4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 30, 2021
Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay doorashada Aqalka sare iyo dad Beeraleey ahaa oo dhawaan lagu dilay deegaanka Kabxanleey
 

Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Hrshabeelle Cali Guudlaawe oo shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in dhawaan si rasmi ah maamulkiisa u bilaabi doonaan doorashada xubnaha ku matalaya Hirshabeelle Baarlamaanka Aqalka sare ee Soomaaliya.

Guudlaawe ayaa sheegay in doorashada ay u qaban doonaan si xor iyo xalaal ah oo ay cadaalad ku dheehan tahay, xili maamulka Hirshabeelle uu yahay maamulka kaliya ee aanan wali wax doorasho ah u sameyn xubnaha Aqalka sare ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sidoo kale si adag uga hadlay dadkii shacabka ee  beeraleeyda ahaa ee dhawaan lagu dilay deegaanka Kabxanleey ee gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay Cali Guudlaawe in marka hore u tacsiyadeeynayo qoysaskii iyo kharaabadii ay dadkaasi ka geeriyoodeen, isagoona ka digay in Colaada u dhaxeysa labada beeleed ee aanooyinka qabiil isku dilaya inay sii dheeraato.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa hadalkiisa ku daray in maamulka Hirshabeelle inuu diyaar u yahay in uu gogol nabadeed dhexdhigo dhinacyada ay colaada ka dhaxeyso, islamarkaana ugu baaqayo inay wadahadal ku xaliyaan wixii tabasho oo ay kala qabaan si aanan dhig dambe u daadan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]