4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 30, 2021
Wasiirka Amniga Galmudug oo digniin u diray dadka lagacaha siiya Al-shabaab
 

Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda amniga maamul goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maamulada Galmudug iyo Puntland ay isla meel dhigeen iskaashiga sidii loo soo afjari lahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan Koofurta maamulka Galmudug.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Puntland iyo Galmudug ay ka wada go'an tahay la dagaalanka Al-shabaab oo u sheegay in awoodooda ay tahay mid aad u liidata.

"Degaano badan oo ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug waxaa ka dhacay dagaalo Al-Shabaab looga dilay in ka badan 250 dagaalyahan, dhawaana waan la soo afjari doono dagaalada aan kula jirno" ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Gabagabadii wasiirka Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa uga digay dadka shacabka ah ee lacagaha siiya dagaalamayaasha Al-Shabaab, islamarkaana sheegay in dadkaasi lala xisaabtani doono.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa dagaalo aad u qaraar ay ku dhexmarayeen deegaanada Galmudug ciidamada maamulka Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo kuwada loolamaya gacan ku heynta deegaano ka tirsan Galmudug.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]