7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 30, 2021
Ururrada siyaasada Puntland oo sheegay in aanay haysan dhaqaale ay doorashada ku galaan
 

Isniin, Agoosto, 30, 2021 (HOL) - Doorashooyinka Puntland ee nidaamka xisbiyada badan ayaa qatar ku jira qabsoomidooda kaddib markii ururrada siyaasada ay dalbadeen in doorashada dib loo dhigo, iyagoo ku sababeeyay in aanay haysan dhaqaalihii ay doorashada ku gali lahayeen.

Sida qorshuhu yahay bisha tobnaad, waxaa saddex degmo oo katirsan Puntland lagu waday in ay ka dhacaan doorashooyin tijaabo oo ah kuwa dowladdaha hoose ah, oo ay ururrada siyaasadu ku tartamayaan.

Balse, maalintii shalay ayaa ururrada siyaasadu waxay soo saareen bayaan ay ku caddeynayaan in aanay doorashada gelin karin illaa ay helaan dhaqaalihii ay doorashada ay ku geli lahaayeen oo qeyb kamid ah uu ballanqaaday maamulka Puntland.

Ururrada siyaasadu waxay sidoo kale cudur daar uga dhigeen in ay iskusoo beegmeen doorashooyinka federalka iyo kuwa Puntland, sidaas darteed aanay isku hal mar qabsoomi karin.

Dhinaca kale, dallada bulshada rayidka ah ee Puntland ayaa si adag uga hortimid dalabka ururrada siyaasada ee ah in doorashada dib loo dhigo, waxayna sheegen in dalabkaasi uu dhaawac weyn ku keeni karo dadaalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda Puntland.

Dallada waxay sheegtay in aanay jirin sabab u qalmi karta in doorashada dib loo dhigo oo ay ururrada soo bandhigeen, waxayna ka digeen in axsaabta siyaasadu horseed ka noqdeen in la waayo himiladii 23 sano loogu jiray in Puntland laga saaro nidaamka qabaliga.

Madaxtooyada Puntland oo u ballanqaaday ururrada siyaasada in midkiiba bil walba siin doonto lacag $10,000 oo ka caawinaysa ololaha doorashada, ayay ururrada sheegeen in wixii ka dambeeyay bishii ugu horreysay mooyee aysan mar kale lacagtaas soo gaarin.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online