7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 3 , 2021
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyay in la baabi'iyay doorashadii guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi
 

Talaado, Agoosto, 3, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi ayaa sheegay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan oo iskasoo horjeeda.

Raysal wasaaraha ayaa guddiga u sheegay inuu soo gudbin doono xilliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada, wuxuuna guddiga doorashada uga digay in ay ku dhex milmaan garab siyaasadeed ee dalka ka jira.

“Waxaan maanta idin ku wargalinayaa in la baabi’iyay doorashada hoggaanka guddiga doorashada gobolada waqooyi ee labada garab kala noqday. Doorashadaas waxba kama jiraan,” ayuu yiri raysal wasaaruhu.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in ay mamnuuc tahay in garabyo la noqdo, wuxuuna sheegay inuu kala xisaabtamidoono ciddii mar kale abuurta khilaaf.

Guddiga doorashada gobolada waqooyi ayaa u kala jabay labo garab oo ay kala hoggaaminayaan guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed.

Guddigan ayaa dhinac walba wuxuu doortay guddoomiyaha guddiga maamulaya doorashada xildhibaanada labada aqal ee ka imaanaya gobollada waqooyi.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online