10/21/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 29, 2021
Dagaal beeleed qasaare geytey oo dib uga bilaabmay agaarka Fardhidin ee K/bari ee Gobolka Sool
 

Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Dagaal ka bilaabmay duleedka birta dheer ayaa wararka laga helayaa ay sheegayaan in qasaare badani halkaa uu ka dhashay, oo dhimasho, dhaawac iyo dad la qafaasheyba ay ka dheceen.

Dagaalkan ayaa sababay ka dib markii ay dabley hubaysan ay saaka weerar ku qaadeen tuulo lagu magcaabo Filley oo Boocame k/bari kaga quman, una dhow Fardhidin.

Dagaalkan ayaa dhacay iyadoo ay socotey wadahadal labada beelood u dhexeeya, kaas oo la filayey in uu xal laga gaadho sida ay gudiga labada dhinac u dhexaysey ay sheegeen.

"Waxaan filayney in uu bilaabmo fadhiga labada beelood oo mar hore dagaal ku dhexmaray halka lagu magcaabo Saaxmeygaag, saaka ayaan ku waaberiisaney in Filley nin lagu diley xoolo waraabsanay, nin la socdeyna la sheegay in dableydii qaateen" sidaa waxaa HOL u  sheegay Axmed Maxamuud Faarax Cagaagane oo ka mid ahaa gudigii isu xilqaamay joojinta colaada.

Axmed waxa uu intaas ku daray in dableydii weerarka soo qaaday dabley kale ka daba tageen oo ilaa haatan uu dagaal ka socdo meel aan ka fogeyn Birta-dheer welina aan wax war ah oo la sheego aanay hayn waxase uu sheegay in qasaare xooglihi jiro.

Dad degaankaas ku dhow oo xidhiidho kala duwan lala sameeyey ay sheegayaan in gurmad labada dhinacba ah uu soconayo lagana baqsan yahay in uu sii xoogaysto.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood












Click here
8/29/2021 10:56 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay in 5 qof ay gudaha Somaliland ugu dhinteen caabuqa Covid-19 oo mar kale soo laba kacleeyay.

8/29/2021 8:17 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Puntland ayaa maanta hub iyo gaadiid dagaal ku wareejisay maamulka Galmudug oo dagaal xooggan kula jira ururka Alshabab, dagaalkaas oo ka socda deegaannada koonfurta Mudug.

8/29/2021 7:24 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Taliyahii hore ee hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si faahfaahsan uga hadlay baajinta xiisadii magaalada Baledweyne ka taagneyd iyo heshiis hordhac ah oo laga gaaray arintaasi.

8/29/2021 4:32 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - 40 qof oo Soomaali ah oo tahriibayaal ah ayaa lagusoo waramayaa in ay muddo dhowr cishe ah ku xaniban yihiin inta u dhaxeysa dalalka Belarus iyo Lithuania, iyagoo loo diiday in ay safarkooda sii wataan.

8/29/2021 3:05 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa dalka Turkiga tababar ugu soo xiray 49-gabdhood oo ka tirsan Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramacad oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga.

8/29/2021 2:18 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa warar aan rasmi ahayn ku tilmaantay wararka sheegaya, in Somaliland ay qaabilayso qoxooti reer Afghanistan ah sida ay baahisay wakaalada wararka ee AFP.

8/29/2021 1:49 AM EST
Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal dhexmaray ciidamada Koofur Galbeed iyo kuwa Al-shabaab oo ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.