4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 29, 2021
Puntland oo maanta hub iyo gaadiid dagaal ku wareejisay maamulka Galmudug


Axad, Agoosto, 29, 2021 (HOL) - Puntland ayaa maanta hub iyo gaadiid dagaal ku wareejisay maamulka Galmudug oo dagaal xooggan kula jira ururka Alshabab, dagaalkaas oo ka socda deegaannada koonfurta Mudug.

Sidoo kale, waxay Puntland maamulka Galmudug ku wareejisay booyadaha biyaha iyo gaadiidka gurmadka degdega ah, waxayna wareejintan ka dhacday xarunta madaxtooyada Gaalkacyo.

Masuuliyiin katirsan Puntland ayaa sheegay tallaabadan in ay qeyb ka tahay derisnimada, iskaashiga iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya labada maamul, si ay nabad ugu noolaadan shacabkooda.

Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa Puntland uga mahad celiyay taageeradeeda ku aadan garab istaaga dagaalka ay Galmudug deegaannadeeda uga xorraysanayso Alshabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online