4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 28, 2021
Heshiis hordhac ah oo laga gaaray xiisad culus oo ka jirtay magaalada Baledweyne
 

Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Mudo 48 saacadood ah oo kulamo wadatashi ah oo xal loogu raadinayay xiisad ka taagneyd magaalada Baledweyne mudo todobaad ah ayaa galinkii dambe ee maanta heshiis hordhac ah laga gaaray.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo kaashanayay Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo Odayaasha dhaqanka ayaa si wadajir ah ugu guleystay in heshiis hordhac ah laga gaaro xiisadii dhawaan ka dhalatay safarkii sida qasabka ahaa ee Baledweyne loogu keeni rabay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, taasoo keentay in ciidamo la baxay Badbaado Hiiraan ay la wareegen xarumahii Hirshabeelle ee Baledweyne.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed, Ugaas Xasan iyo Odayaasha dhaqanka ayaa isla meel dhigay in ciidamada Badbaado Hiiraan laga saaro goobaha ay gacanta ku hayaan, islamarkaana ay dib ugu laabtaan xarumahoodi shaqada si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

Heshiiska horshaca ah ee la gaaray ayaa sheegaya in wax walba lagu dhameyn doono si nabdoon, waxayna labada dhinac ku balameen inay isugu yimaadaan shirweyne kale oo lagu dhameynaayo tabashada laga qabo maamulka Hirshabeelle, waxaana arintaasi la sheegay in looga dambeeynaayo talada iyo tabashada Beesha Xawaadle ay ka qabto Hirshabeele Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

"Majiraan qodobo rasmi ah oo heshiiska horshaca ah lagu kala saxiixday ee waxaa la isla meel dhigay in waxii tabasho ah gogol nabdoon la isugu yimaado si xal waara looga gaaro tabaahada ay Hirshabeele ka qabaan Beesha Xawaadle " ayuu yiri qof goobjooge ah oo inaga codsaday inaan magaciisa adeegsan.

Shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa soo dhaweeyay heshiiskan hordhaca ah ee maanta laga gaaray xiisadii ka taagneyd magaalada Baledweyne dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]