4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 28, 2021
Maraykanka oo duqayn ku dilay saraakiishii Daacish ee qorsheeysay weerarkii ismiidaaminta ee garoonka diyaaradaha Kabul
 

Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Maraykanka ayaa duqeyn xagga cirka ah ku dilay madaxii Daacish ee qorsheeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee khamiistii ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul ee caasimadda Afghanistan.

Duqayntan ayaa dhacday in ka yar 48 saacadood kadib markii weerarkaas ismiidaamin ah lagu dilay in ka badan 160 qof oo reer Afghanistan ah iyo 13 ka tirsan ciidamada milatariga Mareykanka.

Weerarka, oo ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn, ayaa ka dhacday Gobolka Nangahar ee ku teedsan soohdinta bari-dhexe ee dalkaas. Gobolkaas wuxuu qiyaastii u jiraa 125 mayl bariga magaalada Kabul.

ISIS Khorasan (ISIS-K), oo ah farac gobol oo ka tirsan ururka Daacish, ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 25-kii Ogosto ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul.

Bayaanka kooxda kasoo baxay ayaa looga digay weeraro dheeraad ah oo soo socda.

Weerarka cirka ee lagu dilay qorsheeyihii ISIS-K ayaa yimid wax ka yar 24 saacadood ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu ballanqaaday inuu ciqaabi doono kuwii ka dambeeyay qaraxii Khamiistii.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online