4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 28, 2021
Uganda oo sheegtay inay fashilisay weerar ismiidaamin ah oo lala beegsan lahaa aaska sarkaal sare oo katirsanaan jiray AMISOM
 

Sabti, Agoosto, 28, 2021 (HOL) - Uganda ayaa sheegtay Jimcihii inay fashiliyeen weerar ismiidaamin ah oo lala beegsan lahaa aas qaran oo loo sameeynayay taliye sare oo katirsanaan jiray AMISOM oo hogaaminayay weerarkii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho sannadkii 2011.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay khamiistii magaalada kutaalla waqooyiga dalkaas ee Pader kasoo qabteen ninka qorsheynayay weerarkan, kaasoo doonayay inuu isku qarxiyo goobta aaska loogu sameynayay Sarreeye Gaas Paul Lokech.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa ku eedeeyey shirqoolkan jabhadda Allied Democratic Forces (ADF)-oo ah jabhad markii ugu horreysay ka soo ifbaxday Uganda 1996-kii, laakiin muddo tobanaan sano ah ka hawl-galaysay bariga DR Congo oo dhowaan lala xiriiriyay waxa loogu yeero inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee isku magacowday dawladda Islaamka.

Afhayeenka ciidanka Brigadier Flavia Byekwaso ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in uu ismiidaamiyuhu yahay muwaadin u dhashay Uganda oo lagu magacaabo Katumba Abdul.

Afhayeenka booliisku waxay sheegtay in agabka laga helay ay kamid ahaayeen, bam-gacmeedyo, jaakadaha ismiidaaminta, waxyaabaha qaraxyada loo adeegsado sida ammonium sulphate, furayaasha iyo taleefannada gacanta ee loo adeegsado in lagu qarxiyo aaladdaha qarxa.

Baaritaannada illaa hadda la sameeyay waxay muujinayaan in tuhmanaha uu damacsanaa inuu carqaladeeyo howlaha aaska Maj Gen Paul Lokech, sida ay sheegtay Byekwaso.

Sarreeye Gaas Paul Lokech wuxuu ku dhintay isagoo 55 jir ah magaaladii uu ku dhashay ee Pader Sabtidii ka dib markii uu ku dhacay cudurka dhiig xinjirowka.

Wuxuu hoggaamiyay cutubyadii Al-Shabaab ka cidhib-tiray caasimadda Muqdisho sannadkii 2011-kii, taas oo uu ku mutaystay naanaystii libaaxa Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online