4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 27, 2021
Ciidamo kasoo goostay maamulka Puntland oo ku biiray booliiska Somaliland
 

Jimco, Agoosto, 27, 2021 (HOL) - 35 askari oo katirsanaa ciidanka booliiska dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa kusoo biiray ciidanka booliiska Somaliland, ee magaalada Badhan, ee gobolka Sanaag.

"Waxaanu ka wareegnay maamul isku sheega Puntland, waxaana nu ku wareegnay Jamhuuriyada Somaliland,  waxyaabo badan ayaa sababay in ciidankani uu ku soo wareego Somaliland, waxa jira ciidamo kale oo nagu daba jira oo cidii qaabili lahayd la" mid kamida saraakiisha ciidanka ayaa sida yidhi.

Ciidankan oo sida la sheegay tababar kusoo qaatay xerada tababarka ciidanka Puntland ee Xorgoble ee magaalada Qardho, ayaa xukuumada Somaliland ka codsaday in ay helaan xaq lamid ah ka ciidanka Somaliland ee ku sugan gobolka Sanaag.

Ciidamada kasoo jeeda deegaanka Badhan iyo deegaanada kale ee bariga, ayaa marar badan la arka iyaga oo marna ku biiraya ciidanka Somaliland markalena u goosanaya ciidanka dowlad goboleedka Puntland.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]