4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 26, 2021
Fanaanka caanka ku ah Dhaantada ee Cali dhaanto oo maanta degaanka soo gaaray
 

Khamiis, Agoosto, 26, 2021 (HOL) - Tan iyo intii degaanka uu ka hanaqaaday isbaddalku, waxaa degaanka dib ugu soo noqonayay qurba joogtii degaanka u dhalatay iyo dadkii iyaguna degaanka u dhashay ee ka baxay dalka wakhtigii ay xukuumaddii hore jirtay.

Haddaba waxaa maanta degaanka soo gaaray fanaanka caanka ku ah dhaantada ee Cali Bashiir (Cali dhaanto) oo muddo aad u dheer degaanka ugu dambaysay, iyadoo ay si heer sare ah garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyeen fanaaniinta degaanka iyo taageerayaashiisa oo aad u badan.

Cali Bashiir oo loo yaqaano Cali dhaanto ayaa lagu xasuustaa dhaantooyin dal iyo dibadba caan ka noqday, isagoo fankiisa caanka noqday uu ka bilaabay degaanka Soomaalida, waxaana la sheegaa inuu yahay ninkii u horeeyay ee degaanka keena ciyaarta iyo heesaha dhaantada oo la casriyeeyay.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]