4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 26, 2021
Alshabaab oo sheegay in ay dib ula wareegeen deegaannada Bacaadweyne iyo Camaara
 

Khamiis, Agoosto, 26, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa dib ula wareegtay deegaannada Bacaadweyne, Camaara iyo Qeycad ee koonfurta gobolka Mudug, sida lagu sheegay warar lagu faafiyay baraha internetka ee faafiya wararka Alshabaab.

Alshabab waxay sheegeeen ciiddamadii halkaas ku sugnaa in ay isaga baxeen, kadib weerarkii labo maalin ka hor ay ku qaadeen magaalada Camaara, halkaas oo ay ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo hub tiro badan.

illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin maamulka Galmudug oo ku saabsan dib ugurashada ay sameeyeen ciidamadooda iyadoo la ogaa in maalmihii lasoo dhaafay uu guulo ka sheeganayeen dagaalladii ka socday koonfurta Mudug.

“Deegaannada Bacaadweyne, Camaara, Qeycad iyo Shabeelloow ayaa dib looga suray calanka Towxiidka kadib markii ay halkaas isaga firxadeen maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Bangaraafta loo yaqaan iyo ciidamada maamulka Galmudug" ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay mid kamid ah website-yada afka dheer ee lagu faafiyo wararka Alshabaab.

Ma jiraan warar ka madax bannaan Alshabaab oo xaqiijinaya in ciidamada Galmudug iyo kuwa xoogga isaga baxeen Camaara iyo Bacaadweyne, inkastoo xogo la helayo ay ku waramayaan in ciidamada xooggooda gaareen degmada Wisil.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online