4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 26, 2021
Jubbaland oo soo saartay Amaro cusub oo la xiriira Hubka
 

Khamiis, Agoosto, 26, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa soo saartay amaro lagu mamnuucaayo in hubka lagu dhex qaato magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah maamulka Jubbaland.

Amarkaan kasoo baxay maamulka Jubbland ayaa la sheegaya inuu la xiriiro xaqiijinta amniga Kismaayo oo lagu wado in halkaasi dhawaan lagu qabto doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland  Jaamac Axmed Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaan marnaba la ogolaan doonin in gudaha magaalada Kismaayo lagu dhex qaato hubka.

"Amarka lagu mamnuucayo hubka ayaa daba socda shir horay u dhexmaray wasiirka amniga Jubbaland iyo taliyeyaasha ciidanka Booliiska iyo Nabadsugida maamulka Jubbaland kuwaas oo isla meel dhigay inaan lagu dhex arki karin Kismaayo cid hub ku dhex sidata" ayuu yiri Afhayeenka wasaarada amniga Jubbaland Jaamac Axmed.

Gabagabadii Afhayeenka wasaarada amniga Jubbaland ayaa intaasi ku daray in tallaabo laga qaadi doono cid waliba oo jabisa amarkaasi, isagoona ciidanka iyo sidoo kale ilaalada Masuuliyiinta ugu baaqay in hubka aysan lasoo dhaafin goobaha loogu tala galay madama laguda gali rabo howlaha doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]