4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 26, 2021
Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya dagaalo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose
 

Khamiis, Agoosto, 26, 2021 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo culus oo ka dhacay deegaanada Hosingoow iyo Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose oo u dhaxeeyay ciidamada Kenya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanada Kudhaa iyo Hosingoow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan islamarkaana uu khasaare ka dhashay dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada Kenya, balse aysan xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay inta uu gaarsiisan yahay.

Dadka deegaanka ayaa intaasi ku daray inay cabsi balaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqdin qabeen inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka oo ahaa mid aad u xooganaa.

Ciidamada Kenya ay lasoo sheegaya in goobahii lagu dagaalamay ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan, kadib weerarka lagu soo qaaday Saldhigyadooda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]