4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 25, 2021
Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay eedaha loo jeedinayo dugsiyada Shabakada Abaarso
 

Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa duulaan horumarka Somaliland ka dhan ah ku til maamay eedaha loo  jeedinayo dugsiyada Shabakada Abaarso, ee ah in macalimiinta Shabakada Abaarso ay diinta Masiixiga faafiyaan.

"Waad aragtaa in guushi aynu gaadhnay ee adduunka oo dhani inoo soo jeedsaday maanta la doonayo in la xaaraameeyo, iftiinkii inoo baxaba waxa la doonayaa in la dumiyo, waxaana la isticmaalayaa qaar inaga ah" ayuu yidhi guddoomiyuhu.

"Somaliland waa meesha kaliya ee marka Sucuudiga laga yimaado, aanad arkayn inan timo qaawan, shaleemo, tiyaatar, shiishad, waa dhul asturan, barakaysan hadana iskuulka caruurtaydu dhigato ayaa la leeyahay waa gaalo, aniga la i yidhi kaniisad buu furay" ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa ku daray.

Qaar kamida dadka baraha bulshada isticmaala ayaa dugisiga Abaarso iyo Jaamacadda ka fircantay ee Barwaaqo ku eedeeya in macalimiintooda oo ajaanib ahi ay ardayda baraan waxyaabo diinta Islaanka ka dhan ah, taasi oo xukuumada Somaliland, madaxda Shabakada Abaarso, ardayda iyo waalidiintuba beeniyeen.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]