4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 25, 2021
Alshabaab oo soo bandhigtay hub iyo gaadiid dagaal oo ay ku furteen weerarkii ay kusoo qaadeen Camaara


Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabab ayaa soo bandhigtay hub iyo gaadiid dagaal oo sheegeen in ay ku furteen dagaalkii shalay waaberigii ay kusoo qaadeen magaalada Camaara ee koonfurta Mudug.

Sawirro lasoo dhigay baraha internetka ayaa la arkayay gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ciiddanka NISA iyo kuwa Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo Alshabab kusoo bandhigeen gudaha Camaara.

Alshabaab waxay sidoo kale soo bandhigeen gaadiid ay sheegeen in ay  wateen ilaalada gaarka ah ee madaxtooyada Galmudug iyo rasaas kayd ah oo taalay xerada ay kala wareegeen ciiddanka huwanta ah.

Alshabaab waxay tilmaameen weerarkii shalay in ay ku dileen 35 askari, kaddib markii weerar ku bilowday gaari qarax lagasoo buuxiyay ay ku qaadeen saldhigga ay ciidamada ku sugnaayeen.

Dhinaca kale, mudaharaad loogasoo horjeedo kooxda Alshabaab ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo dhinaceeda Galmudug, waxaana lagu taageeray dagaalka ka socda koonfurta Mudug.

Wasiirro katirsan Gamudug ayaa ka qeyb galay, kuwaas oo sheegay in ay Alshabab isugu arureen magaalada Xarardheere, halkaasoo ay sheegeen in dhawaan laga xorayndoono.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online