4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 25, 2021
Maraykanka oo ka hadlay duqayn uu Shabaab kula beegsaday agagaarka Camaara
 

Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Maraykanka ayaa sheegay isagoo kaashanaya  Dowladda Federaalka Soomaaliya, inuu qaaday weerar duqayn ah oo is-difaac ah ka dhan ah dagaalamayaasha al-Shabaab, kuwaas oo shalay weerar kusoo qaaday deegaanka Camaara

Maraykanka wuxuu sheegay inuu qiimaynayo waxyeellada duqaynta, iyadoo ay ugu wacan tahay hawlgalka socda ee u dhexeeya al-Shabaab iyo ciidamada Soomaaliya.

Ma sheegin wax dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntaan cirka ah.

Dhinaca kale, Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Galmudug ayaa shalay howlgal ka sameeyay degaanka Camaara iyo nawaaxigeeda halkaasi oo shalay Al-Shabaab kusoo qaadeen weerar  xooggan.

War lagu daabacay baraha ciiddamada qalabka sida, ayaa lagu sheegay in howgalkaas lagu dilay 100 katirsan Alshabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi Taliyaha ayaa sheegay in ay Al-Shabaab jab xooggan kala kulmeen Camaara.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online