4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 25, 2021
Golaha wakiilada Somaliland oo ansixiyey xeer-hoosaadka golaha
 

Arbaco, Agoosto, 25, 2021 (HOL) - Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey xeer-hoosaadka golaha oo wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyay, kadib markii qabyo badani kasoo baxday xeer-hoosaadkii golihii hore ku shaqayn jirey.

70 xildhibaan oo kamid ah 76 xubnood oo kalfadhiga maanta ee golaha soo xaadiray, ayaa u codeeyay in xeerka si duuduub ah lagu ansixiyo, 4 xildhibaan ayaa diiday, 1 xildhibaana wuu ka aamusay, guddoomiyuhuna muu codayn, sidaa ayuuna ku dhaqan galay xeer-hoosaadka goluhu.

Xildhibaannada kasoo horjeestey ansixinta xeerka, ayaa sheegay in ay ka biyo diideen habka duuduubka ah ee goluhu u ansixiyey xeerka iyaga oo sheegay in ay doonayeen in qodob qodob loo ansixiyo.

"Shacabka reer Somaliland waxay khaati ka taagnayeen wax duuduub lagu ansixiyo, qodobka 1aad ee aan uga soo horjeestay waa in duuduub lagu ansixiyay, waxan u sheegayaa shacabka reer Somaliland in mudanayaashii ay soo doorteen sooceliyeen hab dhaqankii xumaa ee duuduubka la odhan jiray" sida waxa yidhi xildhibaan Maxammed Abiib.

Golaha ayaa guddi ka kooban 15 xildhibaan u saaray wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyay xeer-hoosaadka golaha, kuwaasi oo wax ka badalka xeerka ka shaqaynayay muddo ku dhaw bil, iyadoo fadhiyada golahana lagaga doodi jiray.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online.
 [email protected]