4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 24, 2021
Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday iney wax ka qabaneyso tabashada reer Hiiraan
 

Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumada Feradaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay inuu xalin doono tabashada shacabka reer Hiiraan ka qabaan maamulka Hirshabeelle.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahin Macalimuu oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Raysal wasaare Rooble uu diyaar u yahay xalinta tabashada shacabka reer Hiiraan kala dhaxeyso maamulka Hirshabeelle.

Warkan kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya ee ah iney xalineyso cabshada reer Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa imaanaya xili xaalada Baledweyne ay is badashay oo halkaasi muddo laba maalmood ah ay xarumahii Hirshabeelle gacanta ku hayeen ciidamo la baxay Badbaado Hiiraan.

Dhinaca kale Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa iyo xubno ka tirsan Odayaasha dhaqanka ayaa galinkii dambe ee maanta kulan kula qaatay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Saraakiisha ciidanka la baxay Badbaado Hiiraan.

Kulanka uu Ugaaska la qaatay saraakiisha Badbaado Hiiraan ee kala ah Nuur Dheere iyo Cabdullaahi Barre ayaa la xariiray sidii ay u dajin lahayeen xaalada magaalada Baledweyne, waxaana la sheegay in saraakiisha ay aqbaleen hadalka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Dhinaca kale nabadoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ah waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada Badbaado Hiiraan ay dib ugu celiyeen xeryahoodi si xaalada loo dajiyo.

Xaalada magaalada Baledweyne ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay aheyd mid kacsan kadib markii ciidamo kasoo horjeeda Hirshabeelle ay la wareegeen inta badan gacan ku heynta Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]