10/19/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 24, 2021
Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyey Kulan Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka uu la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka
 

Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyey kulan u dhexeeyey Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka iyo wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa looga hadlay dar-dargelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo dadajinta dhaqaalaha farsamo ee saaxiibada caalamka kaga aadan Hannaanka doorashooyinka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay horumarada laga sameeyey hannaanka doorashooyinka uu dalku galay, maadaama la dajiyey habraacyada doorashada Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya iyo muhiimada uu amniga u leeyahay doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay sida ay uga go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho, la isku raacsan yahay, si nabdoon ku dhacda, cid kasta oo tabasho qabtana laga qancin doono, si hannaanka doorashadu u noqdo mid ay dhammaan dhinacyada siyaasaddu raali ka wada yihiin.

Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku boggaadiyey kaalintiisa hoggaamineed ee horseeday horumarka iyo is fahamka ay ku socdaan Geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
8/24/2021 5:57 PM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Kulan uu hoggaaminayay Madaxwayne Mustafe cagjar islamarkaana ay kasoo qayb galeen laamaha amniga ee degaanka ayaa waxaa uu ka qabsoomay magaalada Jigjiga.

8/24/2021 1:05 PM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumada Feradaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay inuu xalin doono tabashada shacabka reer Hiiraan ka qabaan maamulka Hirshabeelle.

8/24/2021 7:18 AM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo garabkiisa siyaasadeed ayaa kasoo horjeestay qaabka golaha wdatashiga Qaran u wajaheen doorashada Kuraasta labada Aqal ee Somaliland.

8/24/2021 4:55 AM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa walaac xoogan ka muujiyay habraacii dooraashada golaha shacabka ee dhawaan ay soo saareen golaha wadatashiga qaran.

8/24/2021 3:55 AM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ayaa oggolaaday in laga wada hadlo qodobbada ay cabshada iyo diidmada ay Midowga Musharrixiinta ka keeneen habraacii doorashada Golaha Shacabka.

8/24/2021 2:41 AM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in waabarigii hore ee saakay weerar qarax ku bilaawday ay ku qaadeen dagaalamayaasha Al-shabaab Saldhiga ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

8/24/2021 1:13 AM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka waxbarashada Somaliland Axmed Maxammed Diiriye (Toorno), ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay eedaha loo jeedinayo, macalimiinta Shabakada Abaarso, waxaanu sheegay in caddayn laga rabo cidii tidhi diin kale ayaa lagu dhigaa dugsiyada Abaarso.