4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 24, 2021
Garabka siyaasadeed ee guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka hor yimid hab-raaca doorashada
 

Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo garabkiisa siyaasadeed ayaa kasoo horjeestay qaabka golaha wdatashiga Qaran u wajaheen doorashada Kuraasta labada Aqal ee Somaliland.

Qoraal ay maanta soo saareen waxay ku caddeeyeen in iyadoo aan la xalin, lana mideyn guddiga doorashada Somaliland, in aanay dhici karin doorashada Aqalka sare iyo golaha Shacabka.

Garabka siyaasadeed ee Cabdi Xaashi waxay sheegeen in raysal wasaare Rooble uusan xaq u lahayn inuu kuraasta gobolada waqooyi iyo kuwa Banaadir uu  u maamulo si ka duwan sida uu haatan u maamulayo doorashada dalka.

Waxay sheegeen siyaasiyiinta Somaliland in ay aayahooda ka tashanayaan islamarkaana ay qabsanayaan doorasho hufan.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka ay soo saareen:-


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online