10/19/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 24, 2021
Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo kasoo horjeestay Habraaca Doorashada Golaha Shacabka
 

Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa walaac xoogan ka muujiyay habraacii dooraashada golaha shacabka ee dhawaan ay soo saareen golaha wadatashiga qaran.

War qoraal ah oo kasoo baxay Ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay iney kasoo horjeedaan habraaca golaha shacabka ee lasoo saaray, kadib markii ay ka dhex arkeen iney ku jiraan xadgudub xaquuqda muwaadinka uu u leeyahay ka qeyb galka doorashooyinka dalka iyo waliba ku tagrifal awoodeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka ee ay maamulayaan golaha wadatashiga qaran.

"Waxaan aaminsan nahay in habraaca ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran uu meesha ka saarey doorka bulshada rayidka ee hubinta xulista ergooyinka taasina waxey sheki badan gelineysa suurtogalnimada in dalka ay ka dhacaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo xasilooni siyaasadeed dalka u horseeda dalka iyo dadka Soomaliyeed" ayaa lagu yiri Qoraalka Ururada Bulshada Rayidka.

Qoraalkan kasoo baxay ururada bulshada rayidka oo ay ku diidayaan habraaca doorashada Aqalka Hoose ayaa imaanaya xili sidoo kale shalay Midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ay iyagana kasoo horjeesteen habraaca doorashada Aqalka Hoose.

Hoos ka akhriso qoraalka Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed:-



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/24/2021 5:57 PM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Kulan uu hoggaaminayay Madaxwayne Mustafe cagjar islamarkaana ay kasoo qayb galeen laamaha amniga ee degaanka ayaa waxaa uu ka qabsoomay magaalada Jigjiga.

8/24/2021 1:05 PM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumada Feradaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay inuu xalin doono tabashada shacabka reer Hiiraan ka qabaan maamulka Hirshabeelle.

8/24/2021 8:38 AM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyey kulan u dhexeeyey Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka iyo wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa looga hadlay dar-dargelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo dadajinta dhaqaalaha farsamo ee saaxiibada caalamka kaga aadan Hannaanka doorashooyinka.

8/24/2021 7:18 AM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo garabkiisa siyaasadeed ayaa kasoo horjeestay qaabka golaha wdatashiga Qaran u wajaheen doorashada Kuraasta labada Aqal ee Somaliland.

8/24/2021 3:55 AM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ayaa oggolaaday in laga wada hadlo qodobbada ay cabshada iyo diidmada ay Midowga Musharrixiinta ka keeneen habraacii doorashada Golaha Shacabka.

8/24/2021 2:41 AM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in waabarigii hore ee saakay weerar qarax ku bilaawday ay ku qaadeen dagaalamayaasha Al-shabaab Saldhiga ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

8/24/2021 1:13 AM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka waxbarashada Somaliland Axmed Maxammed Diiriye (Toorno), ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay eedaha loo jeedinayo, macalimiinta Shabakada Abaarso, waxaanu sheegay in caddayn laga rabo cidii tidhi diin kale ayaa lagu dhigaa dugsiyada Abaarso.