10/19/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 24, 2021
Wasiir Toorno "Ninka leh diin kale ayaa Somaliland lagu dhiga caddayn teedi ayaa laga rabaa"
 

Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka waxbarashada Somaliland Axmed Maxammed Diiriye (Toorno), ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay eedaha loo jeedinayo, macalimiinta Shabakada Abaarso, waxaanu sheegay in caddayn laga rabo cidii tidhi diin kale ayaa lagu dhigaa dugsiyada Abaarso.

"Diinta, dalka iyo dad nimada midna iib ma galo, isku riix riix iyo isku ceebayna ma galo, isagay u taala ninkii mucaarad nimo iyo hebel ku xumee u isticmaalaya, ninka leh diin kale ayaa Somaliland lagu dhigaa isaga ayaa caddayn teedi laga rabaa" ayuu yidhi wasiir Toorno.

Wasiirka ayaa wax lala yaabo ku tilmamay eedeeynta isdaba jooga ah ee uu Cabdimalik Muuse Coldoon sanadihii u danbeeyay u jeedinayay dugsiga Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo, wuxuna sheegay in dugsiyada Somaliland aan lagu dhigan diin aan ka ahayn ta Islaanka.

"Waxan doonayaa in aan halkan bulshada uga caddeeyo dugsiyadeenu in ay yihiin meelo diinta Islaanka lagu barto, ee anay ahayn meelo diin kale lagu barto, waxa cajiiba inan kaliya ayaa 10 kii sano ee ugu danbeeyay dugsi qudha dusha ka saarnaa" ayuu yidhi wasiir Toorno.

Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa marar kala duwan Shabakada Abaarso ku eedeeyay in maamulkoodu diinta Masiixiga ku dhex faafinayo ardayda wax ka barata dugsiga iyo jaamacadda shabakadu leedahay, taasi oo bulshadu ay ku kala qaybsantay xaqiiqnimada sheegashada Coldoon.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online.
[email protected]












Click here
8/24/2021 5:57 PM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Kulan uu hoggaaminayay Madaxwayne Mustafe cagjar islamarkaana ay kasoo qayb galeen laamaha amniga ee degaanka ayaa waxaa uu ka qabsoomay magaalada Jigjiga.

8/24/2021 1:05 PM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumada Feradaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay inuu xalin doono tabashada shacabka reer Hiiraan ka qabaan maamulka Hirshabeelle.

8/24/2021 8:38 AM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyey kulan u dhexeeyey Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka iyo wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa looga hadlay dar-dargelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo dadajinta dhaqaalaha farsamo ee saaxiibada caalamka kaga aadan Hannaanka doorashooyinka.

8/24/2021 7:18 AM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo garabkiisa siyaasadeed ayaa kasoo horjeestay qaabka golaha wdatashiga Qaran u wajaheen doorashada Kuraasta labada Aqal ee Somaliland.

8/24/2021 4:55 AM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa walaac xoogan ka muujiyay habraacii dooraashada golaha shacabka ee dhawaan ay soo saareen golaha wadatashiga qaran.

8/24/2021 3:55 AM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ayaa oggolaaday in laga wada hadlo qodobbada ay cabshada iyo diidmada ay Midowga Musharrixiinta ka keeneen habraacii doorashada Golaha Shacabka.

8/24/2021 2:41 AM EST
Talaado, Agoosto, 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in waabarigii hore ee saakay weerar qarax ku bilaawday ay ku qaadeen dagaalamayaasha Al-shabaab Saldhiga ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.