4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 23, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay culimo Hargaysa iskugu timid
 

Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne ku xigeenkiisa iyo afhayeenka golaha wakiilada, ayaa madaxtooyada ku  qaabilay qaar kamid ah culimada ugu waa wayn gayiga Soomaalida oo kulan diimeed magaalada Hargaysa uga socday 4tii maal mood ee u danbeeyay.

Madaxeynaha ayaa culimada kula dar daarmay in ay ka shaqeeyaan heshiisiinta umada Somaaliyeed ee dhibaatooyinku ka dhex taaganyihiin dowlad iyo deegaankasta oo ay ku noolyihiinba iyo in ay la dagaalamaan faqriga.

"Ina sheekh Cali Suufi ayaa halkan maraya hadii la yidhaa hubka waala wada dhigiye, waxad tidhaahdaan bal reer reerkan iyo tuulo tuuladan aad isku laynaysan, iyo ceelashan aad isku wada haysatan iska daaya. Faqriga Soomaali baabiyay culimada ka saari karta hadii sakada culimadu maamusho" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Xubnaha culimada oo hadalka iskaga danbeeyay ayaa madaxweynaha iyo xukuumadiisaba u mahad naqay isla markaana waxay sheegeen in ay soo dhawayn aad u saraysa la kulmeen mudadii ay ku sugnaayeen maagalada Hargaysa.

"Runtii waxa nala dareen siiyay in aanu nahay wasiiro oo kale ama madax sare, goobta dadka muhiim ka ah lagu soo dhaweeyo (VIP) ayaa nalagu soo dhaweeyay, arrintaasina waa arrin aad idinku (xukuumada) amarteen weeyi, inta uu kulanku socdayna waxa ugu wayn ee laga helay waa duco" sida waxa yidhi Sh. Cabdirashiid Sh. Cali Suufi.

Culimada uu madaxweynuhu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay, ayaa 4tii maalmood ee lasoo dhaafay kulan diimeed kulaha caasimada Somaliland ee Hargaysa, halkaasi oo ay ka jeediyeen muxaadarooyin kala duwan oo ay ka qayb galeen kumanaan dhagayste.

Abdilahi Abdirahman Mohamed , Hiiraan Online.
[email protected]