4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 23, 2021
Golaha midowga musharraxiinta oo kasoo horjeestay hab-raaca doorashada aqalka hoose
 

Isniin, Agoosto, 23, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saareen waxay kagasoo horjeesteen go’aanadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka ee doorashada looga hadlayay.

Golaha midowga musharraxiinta waxay diideen hab-raaca doorashada Xildhibaannada aqalka hoose, waxayna ku tilmaameen inuu baalmarsan yahay heshiisyadii arrimaha doorashooyinka ee horay loo galay, kuwaas oo dhigayay in doorashooyinka ay ku dhacaan si xor iyo xalaal ah.

Golaha musharraxiinta waxay ka digeen hab-raaca doorashada inuu horseedi doono colaad sokeeye iyo in beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka aamin baxaan natiijada doorashada.

Waxay ku baaqeen in duubabka dhaqanka loo madax bannaaneeyo soo xulista ergooyinka doorashada aqalka hoose islamarkaana dowlad goboleedyadu ku ekaadaan fududaynta iyo amniga doorashada.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online