4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 22, 2021
Ardayda iyo waalidiinta jaamacadda Barwaaqo oo ka hadlay eedaha looso jeediyay macalimiintooda
 

Axad, Agoosto, 22, 2021 (HOL) - Ardayda wax ka barata jaamacadda Barwaaqo ee ka tirsan Shabakada Abaarso iyo waalidiintooda, ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay eedaha looso jeedinayo maamulaha jaamacadda Barwaaqo Joy Isa, oo looga shakiyay in ay diinta Masiixiga ku faafiso gudaha jaamacadda.

Ardayda iyo waalidiinta ayaa dadka faafinaya wararka ka dhan ka ah marwo  Isa ku eedeeyay in ay dano kale leeyihiin, isla markaana ay u jeedadoodu tahay in ay wax yeeleeyaan horumarka Somaliland.

"4 dumar ahi 200 oo hablood diintooda ma badali karaan, waxad caayaysaan caqliga yaga, kii waalid kayaga, kii Soomaali nimadaad caayaysaan, kii qaranka Somaliland ayaad caayaysan, anigu waxan u arkayaa waxani in ay tahay qaran dumis, oo sheekadu Barwaaqo iyo Abaarso dhaafsiisantahay"  sida waxa tidhi Faadumo oo kamid ah ardayda jaamacadda Barwaaqo.

Waalidiinta ayaa ku adkaystay in ay maxkamad la tiigsan doonaan Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo isagu sheegay in Joy Isa ay diinta Masiixiga ku faafinayso jaamacadda dhexdeeda, waxayna ku eedeeyeen in Coldoon uu sharafta caruurtooda meel kaga dhacay.

"Hablaha yagaa la ceebeeyay ka hadhi mayno sharci yaqaano ayaanu qabsanaynaa, maxkamadda ayaanu tagayna, kiiskana waanu soo oogaynaa, ha u malaynina qofkii hablaha yaga dhibaateeyay in uu dhayal ku bixi doono, caddayntii ayaanu uga fadhina oo ka hadhi mayno" sida waxa tidhi hooyo kamid ah waalidiinta ardayda.

Maamulaha jaamacadda Barwaaqo, gabadha lagu magacaabo Joy Isa, ayaa dadka qaar ku eedeeyeen in ay diinta Masiixiga ka faafinaysay jaamacadda dhexdeeda maadaama oo la ogaaday in ay arrimaha diinta Masiixiga ka shaqayn jirtay wakhtiyo kamid ah nolosheeda.

Abdilahi Abdirahman Mohamed , Hiiraan Online.
[email protected]