4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 22, 2021
Ciidamo hubeysan oo Caawa la wareegay Xarumahii Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan
 

Axad, Agoosto, 22, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw oo Caawa ah ay ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan kuwaas oo diidan inuu Baledweyne yimaado madaxweyne Cali Guudlaawe.

Saraakiisha hogaamineysa ciidanka la wareegay xarunta maamulka gobolka Hiiraan iyo Xerada Lamagalaay oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in sababta ay ula wareegeen xarumaha maamulka Hiiraan ay tahay sidii ay uga dhiidhin lahayeen rabitaanka shacabka reer Hiiraan.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankan Caawa la wareegay xarumahii ugu muhiimsana maamulka Hirshabeelle ee Baledweyne ayaa lagu kala magacaaba Cabdullaahi Barre iyo Nuur Dheere kuwaas oo sheegay in u taagan yihiin badbaadada Hiiraan shacabka waxay diidan yihiina ay iyagana diidan yihiin.

La wareegista ciidankan ee xarumaha Hirshabeelle ku laheyd Baledweyne ayaa imaanaya kadib markii saacadahii lasoo dhaafay ay isa soo tarayeen warar sheegaya in madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe safar ku imaanayo Baledweyne si awood ku dheehan tahay.

Xaalada Magaalada Baledweyne ayaa Caawa ah mid aad u kacsan waxaana meel walba taagan dadweyne farabadan oo taaheersan ciidanka Caawa la wareegay xarumahii Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]