4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 22, 2021
Militariga Soomaaaliya oo sheegay in ay dileen 60 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab
 

Axad, Agoosto, 22, 2021 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose ku dileen 60 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, oo ay ku jiraan laba taliye sare.

Hawlgalkan ayaa galinkii dambe ee jimcihii ka dhacay duleedka tuulooyinka Sabib iyo Caanoole ee Shabeellada hoose.

Howlgalka ayaa ka dambeeyay kadib markii kooxda Alshabaab ay soo weerartay xeryo ciidan oo ku yaal Caanoole, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo la hadlay Wakaaladda wararka ee Anadolu.

“Waxaan helnay xogo sheegaya in argagixisada lagu soo ururiyey meel ka baxsan Sabiid & Canoole. Askarteenna geesiyaasha ah waxay dileen 60 argagaxiso ah oo ay la socdeen taliyayaashooda, gaar ahaan Cali Kamiil iyo Xanbaleey, ”ayaa lagu yiri war kasoo baxay milateriga Soomaaliya.

Hawlgallada ayaa sidoo kale lagu burburiyay 20 goobood oo ay ku dhuumaaleysanayeen Alshabaab iyo afar baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa waxaana lagu xoreeyay shan magaalo iyo 16 tuulo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online