4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 22, 2021
Soomaaliya oo ka qeyb galaysa bandhigga caalamiga ah ee todobaadka tamarka Afrika
 

Axad, Agoosto, 22, 2021 (HOL) - Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed, ayaa xaqiijiyay inuu ka qaybgalayo Toddobaadka Tamarta Afrika (AEW) ee ka dhacaya magaalada Cape Town.

Wasiirka ayaa sheegay inuu halkaas uu ku casuumi doono shirkado waawayn oo danaynaya in ay Soomaaliya la galaan wadaxaajood ku saabsan fursadaha sahaminta tamarta dalka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in todobaadka tamarta Afrika ee Cape Town uu kor u qaadayo fursadaha maalgashiga sahhminta Khayraadka iyo Macdanta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inuu ku celcelin doono in dalku u furan yahay maalgashi, islamarkaana uu diiradda saaridoono sidii wadahadal wax -ku -ool ah loola yeelan lahaa maal -gashadeyaasha todobaadka Tamarta Afrika.

Toddobaadka Tamarta Afrika (AEW) 2021 waa Bandhigga is-dhexgalka iyo isku-xirka Rugta Tamarta Afrika (AEC) kaas oo doonaya inuu mideeyo daneeyayaasha tamarta Afrika, kor u qaado kobcinta warshadaha iyo Afrika inay noqoto mustaqbalka Waaxda tamarta ee adduunka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online