4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 21, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo dowladda Uganda ka dalbaday in jawaab degdeg ah ka keento dadkii ciiidamadooda ku laayeen shabeellada hoose
 

Sabti, Agoosto, 21, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta u yeeray safiirka Uganda u fadhiya Soomaaliya Nathan Mugisha iyo taliyaha ciidamada Uganda, si wax looga weydiiyo falkii ciidamada Amisom ay ku laayeen dad shacab ah oo ku sugnaa gobolka Shabeelada hoose.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa u sheegay masuuliyiinta Uganda in aysan dowladda Soomaaliya marnaba u dulqaadanayn in la dhibaateeyo shacabkeeda aan waxba galabsan islamarkaana wuxuu faray in ay jawaab deg deg ah ka keenaan dhacadadii lagu laayay dadka rayidka.

“Shacabka Soomaaliyeed waa lama taabtaan. Haddii gacan ka gardaran wax u geysatana, annagaa diyaar u ah oo naloo idmaday in aan xaqooda difaacno,” ayuu yiri raysal wasaaraha Soomaaliya, Mr rooble.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa guddi heer Wasiir ah u magacaabay baarista iyo dabagalka dhacadadan, waxayna guddigaas maalinnta berri ah la kulmi doonaan safiirka Uganda iyo saraakiisha AMISOM.

Wuxuu raysal wasaaruhu sheegay in gacanta lagu hayo askartii falka ka dambeysay islamarkaana maxkamad lasoo taagidoono, wuxuuna waalidiinta dhibbanayaasha ugu baaqay in ay samir muujiyaan, kana war sugaan dadaalka dowladdu waddo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online