7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 21, 2021
Golaha siyaasiyiinta gobolada waqooyi oo baaq usoo jeediyay raysal wasaare rooble iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada
 

Sabti, Agoosto, 21, 2021 (HOL) - Golaha siyaasiyiinta gobolada waqooyi ee Somaliland, oo uu horkacayo guddoomiye Cabdixaashi Cabdullaahi, ayaa raysal wasaare Rooble iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ugu baaqay in ay xal u raadiyaan khilaafka ka taagan doorashada xildhibaannada  gobolada waqooyi.

Siyaasiyiinta  gobolada Waqooyi waxay codsadeen in loo dhiso guddoon reer Waqooyi ah oo maamula doorashada sidoo kalena la mideeyo labada dhinac ee guddiga doorashada Somaliland oo kala jabay, yeeshay labo guddoon.

Hadalka golaha siyaasiyiinta  gobolada waqooyi ayaa kusoo aadaya xilli uu maanta Muqdisho ka furmay shirka wadatashiga arrimaha doorashada oo looga hadlidoono diyaarinta habraaca doorashada aqalka hoose.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online