4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose oo faahfaahin ka bixiyay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Sabiid
 

Jimco, Agoosto, 20, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerar culus oo qaraxyo ku bilaawday oo saaka aroornimadii hore kusoo qaadeen deegaankaas dagaalamayaasha Al-shabaab.

Deegaanka Sabiid ayaa dhanka koofureed laga beegan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, waxaana dagaalka uu ka bilaawday barkoontarool oo ciidamada dowlada ku lahayeen deegaankaasi.

Guddoomiye Sidii ayaa sheegay in kooxda soo weerartay deegaanka ay hayeen kuwa tiro yar iskana difaaceen weerarka ay ku soo qaadeen, isagoona sheegay in hal askari uu kaga dhintay dagaalkaasi laba kalana ay kaga dhaawacmeen.

"Ciidankeena way iska difaaceen weerarka kaga yimid cadawga Al-shabaab jab xoogan ayayna gaarsiyeen dhankenana hal askari ayaa naga dhintay laba kalana waa naga dhaawacmeen, ayagana way jabeen oo gaari dhiiqo ka galay xata way ka carareen" ayuu yiri guddoomiye Siidii.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ayaa imaanaya xili Al-shabaab ay sheegatay iney saakay dagaal xoogan kula wareegtay deegaanka Sabiid ee gobolka Sh/hoose .

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]