4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 20, 2021
Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Sabiid ee gobolka Sh/hoose iyo Al-shabaab oo guulo ka sheegtay
 

Jimco, Agoosto, 20, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaal culus oo saakay ay kusoo qaadeen deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaa sheegatay iney la wareegeen gacan ku heynta Saldhiga deegaanka Sabiid oo ay weerar qaraxyo ku bilaawday oo uu xigay dagaal aad u qaraar kula galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dagaalka oo la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogana ayaa socday in muddo waxaana la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, walow aanan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Sabiid iyo waliba sheegashada Al-shabaab ee ah iney la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Sabiid ee gobolka Sh/hoose.

Dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kusoo aadaya xili howlgalo ay ka wadaan gobolkaasi ciidamada Dowladda Federaalka kaasoo ay kula dagaalamayaan Ururka Al-shabaab.

Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-Shabaab ayaa dhankooda dhowr jeer weerartay xeryo askarta ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gobolkaas waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]