4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 20, 2021
Al-shabaab " 17 ruux oo ka mid ahaa askarta ridada ayaan ku dilanay qaraxii ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho"
 

Jimco, Agoosto, 20, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa si raami ah u sheegtay masuuliyada qarax Ismiidaamin ahaa oo uu fuliyay ruux naftii hure ahaa, kaasoo Xalay maqribkii ka dhcay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa war qoraal ah oo ay soo dhigeen bartooda Internetka waxay sheegeen in weerarka qaraxa ahaa lagu dilay 17 qof oo ay sheegeen inay ka mid ahayeen askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ridada ah waa sida ay hadalka u dhigeene.

Qaraxa xalay maqribkii ka dhacay Isgoyska Jubba ayay dowladda Soomaaliya sheegtay iney ku dhinteen 7 ruux tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen kuwaas oo isugu jiray askar ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.

Majirto warar madax banaan oo xaqiijinaya in tiro intaas la eg ay ku dhinteen weerarka is qaraxinta ahaa marka laga soo tago sheegashada Al-shabaab iyo dowladdaba.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Isgoyska Jubba ka dhaco weerar is qarxin ah oo uu fulinayo ruux isku soo xiray waxyaabaha qaraxa oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]