7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 17, 2021
Guddoomiyahii deegaanka Garasbaaleey oo u dhintay dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax lala beegsaday
 

Talaado, Agoosto,17, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Garasbaaley ee duuleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu dhaawac culus oo soo gaaray guddoomiyahii deegaanka Garasbaaleey uu u geeriyooday kadib markii qarax xoogan lala beegsaday gaarigii uu saarnaa guddoomiyaha.

Allah u naxariiste guddoomiyahii Garasbaaleey Maxamed Abuukar Afrax ayaa la sheegay xiliga qaraxa lala beegsaday uu maraayay inta u dhaxeysa degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey gaar ahaan waaxda lagu magacaabo Fooriloow.

Wax ka yar sadax bilood ayaa laga jooga markii guddoomiyaha maanta dhintay loo magacaabay xilka guddoomiyaha deegaanka Garasbaaleey, kadib markii guddoomiyahii isaga ka horeeyay ee lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare isna lagu dilay qarax noocaan oo kale ah.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa maanta lagu dilay guddoomiyahii deegaanka Garasbaaleey, iyo dhaawaca laba ka mid ah askartii ilaalineysay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolka Banaadir oo ku aadan qaraxa lagu dilay guddoomiyahii deegaanka Garasbaaleey.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]