7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 16, 2021
Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo oo ka hadlay ciidamo gadooday oo qabsaday garoonka diyaaradaha ee Doolow
 

Isniin, Agoosto, 16, 2021 (HOL) - Taliyaha guutada 10-aad qeybta 43aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Gedo Col Warfaa, ayaa sheegay in  ay dib xeryahoodii ugu laabteen ciidamado ka gadooday tabasho ay qabeen.

Taliyaha ayaa sheegay in ay xaaladdu caadi kusoo laabatay islamarkaana wuxuu cambaareeyay dad warar been abuur ah faafinayo, oo sheegaya inuu jiro isku dhac ciidamada ku dhexmaray Doolow.

Ciidamadan oo ahaa kuwii uu dowladda ku wareejiyay Cabdirashiid Janan ayaa dhawaan xeryahoodii soo faarujiyay, kuwaas oo markii dambe qabsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Doolow.

Arrintaan ayaa dhalisay in ay dad badan magaalada Doolow uga barakaceen cabsi ay ka qabeen isku dhac dhexmara ciidamada gadooday iyo kuwa dowladda ee halkaas ku sugan.

Gudoomiyaha degmada Doolow Cali Faarax Mire oo la hadlay shacabka iyo haya’ddaha samafalka ee ka howlgala degmada ayaa sheegay in wax colaad ah aysan jirin. Laamaha amniga ayuu amray in ay gacan bir ah ku soo qabtaan kuwa faafinaya colaada iyo amni darada

Cabdirashiid Janan ayaa maalintii shalay iska fogeeyay inuu lug ah ku leeyahay gadoodka ay sameeyeen ciidamadii uu dowladda ku wareejiyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online