7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 16, 2021
Ciidamada xoogga Dalka oo Tooratoorow ku dilay 7 katirsan dagaalamayaasha Alshabaab
 

Isniin, Agoosto, 16, 2021 (HOL) - Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ayaa weerar ku dilay 7 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxayna burburiyeen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Ciidamada ayaa weerarkaan qaaday intii lagu guda jiray howlgal ay ka fuliyeen magaalada Tooratoorow oo qiyaastii 100 km koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa sidoo kale gubay Xabsigii Al-shabaab ay dadka ku xiri jireen oo kuyaallay degaanka tooratoorow.

Warbixin lagasii daayay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida, ayaa lagu sheegay in ay ciidamadu gacanta ku dhigeen horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa qaadista canshuuraha Tooratoorow oo lagu magacaabo Ibraahim Dheere.

Sida warbixinta lagu sheegay, ciidamadu waxay burburiyeen saldhigyo Alshabaab ku lahaayeen deegaano hoos yimaada gobolka Shabeelada hoose.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online