7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 16, 2021
Wafdi uu hoggaaminaayo Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan dalka Masar
 

Isniin, Agoosto, 16, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu wadaa iney maanta u safraan magaalada Qaahira dalka Masar.

Safarka Raysal wasaare Rooble ayaa yimid kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Alsiisi.

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ay safarkiisa qeyb ka yihiin xubno ka tirsan golahiisa wasiirada ayaa lagu wada iney halkaasi kulamo kula qaadan doonaan madaxweyne Alsiisi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan madaxda dalka Masar iyo waliba Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Madaxweyne Alsiisi iyo Raysal wasaare Rooble ayaa lagu wadaa iney ka wada hadlaan arrimaha Soomaaliya iyo Masar iyo waliba sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Masar.

Raysal Wasaare Rooble ayaa tan iyo markii lagu wareejiyay masuuliyadda amniga iyo doorashada dalka, waxaa uu bilaabay soo celinta iyo hagaajinta xiriirkii xumaaday ay dowladda Soomaaliya la leheyd dalalka qaar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]