7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 16, 2021
Hargaysa: Xaflad loo dhigayay xildhibaan oo la joojiyay
 

Isniin, Agoosto, 16, 2021 (HOL) - Ciidanka booliiska Somaliland, ayaa joojiyay xaflad taageerayaal hablo ahi u dhigayeen xildhibaan Axmed Nuur Yuusuf (Guruuje), oo kasoo baxay xisbiga Kulmiye ee talada haya lakiinse la fikir ah mucaaradka.

"Xildhibaanka xaflada loo dhigayay waa xildhibaannadi aakhirkii u codeeyay caddaalada iyo isbadalka waxa lagu eryanayaana waa maxaad nooga codaysay, hadad naga codaysay dhulka ayaanu kugu cidhiidhyaynaa ayay u egtahay" sida waxa yidhi Xildhibaan Maxammed Jaamac Koodbuur.

Xildhibaan Xasan Ogaal oo kamid ahaa xildhibaannadii xaflada kasoo qayb galay ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan ciidanka booliiska Somaliland, ay ugu yimadeen Hoteelkii ay xafladu ka dhacaysay isla markaana ay u sheegeen in saraakiisha amaanku ku amreen in ay xaflada joojiyaaan.

"Saddex sarkaal ayaa noo yimid, waxay nagu wargaliyeen in amar lagu soo siiyay in xaflada ay joojiyaan, waxaanu waydiinay sababta, waxay yidhaahdeen amar baanu qabnaa, waxa nasoo diray xubnaha naga sareeya ee la hadla, wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha ciidanka iyo badhasaabka la hadla ayay yidhaahdeen" ayuu yidhi xildhibaanku.

Xildhibaan Guruuje oo ah shakhsiga xaflada loo dhigayay ayaa saacado kahor xaflada bogiisa Facebook kusoo qoray "xafladaha  iyo casuumahadaha midna ma tago cidkasta oo i casuuntay ha iska raali ahaato" isla markaana xildhibaanku muu joogin xaflada ay ciidanku baajiyeen ee isaga loo dhigayay.

Xaflada kadib ayuu hadana Guruuje qoray "habeen dhawayd ayay hablo ka mid ah dadkii isoo doortey igu casuumeen xaflad Hotel Xayaad , xafladii oo aanan waxba kala socon qaban qaabadeeda, ayaa maqribkii la igu wargeliyay in la keeney askar police ah , ka dibna waxaan ku wargeliyay in xafladda la iska joojiyo si aan Muranba u imanin"

Xaflada ciidanku joojiyeen ayaa ahayd xaflad qaar kamid ah hablaha taageerayaasha u ah xildhibaan Guruuje, ay ugu qabanayeen hoteel Xayaat oo ku yaala magaalada Hargaysa, ilaa hadana ma cadda sababta keentay in xukuumadu ay beegsato xaflada.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraanonline
[email protected]