4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 15, 2021
Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada oo caawa kulan ka yeeshay arrimaha doorashada
 

Axad, Agoosto, 15, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan habka fogaan aragga kula qaatay madaxda dowlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Raysal wasaaraha iyo madaxda kale ayaa isku raacay in Muqdisho la isugu yimaado khamiista soo socota oo ku beegan 19ka bishan Ogoosto, iyadoo laga wada hadli doono u diyaar garowga doorashooyinka golaha Shacabka.

War kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha, ayaa lagu sheegay  in Kulanka khamiista lagu diyaarin doono habraacyada dorashooyinka aqalka hoose, raadinta dhaqaalaha doorashada ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay Dowlad Goboleeyada in ay dardar galiyaan hirgalinta doorashooyinka Aqalka Sare si looga baaqsado dib u dhac loona gaaro jadawalka doorashooyinka.

Kulanka raysal wasaaraha iyo dowlad goboleedyada ayaa kusoo aaday iyadoo ay Muqdisho ku shirsan yihiin musharraxiinta, kuwaas oo walaac ka muujiyay habka ay doorashadu u socoto.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online