4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 15, 2021
Dhameystirka Doorashada Kuraasta Aqalka sare Xubnaha ku matalaya Koonfur Galbeed oo maanta ka dhaceysa magaalada Baydhabo
 

Axad, Agoosto, 15, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa iney ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay doorashada qeybtii u dambeysay ee tirsan Senatarada Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Doorashada maanta ka dhaceysa magaalada Baydhabo ayaa ah sadax kursi oo ka harsaneyd 8-da kursi ee xubnaha Aqalka sare ku matalaya maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ku wada tartami doona ilaa lix Musharax oo uu ka mid yahay Xasan Xuseen Xaaji oo ah wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo waxaa si weyn looga dareemaya qabanqaabadii ugu dambeysay ee loogu diyaar garoobayo qabsoomida dhameystirka kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Doorashada maanta ka dhaceysa Baydhabo ayaa maamulka goboleedka Koonfur Galbeed ka dhigeysa maamulkii labaad ee soo dhameystira doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, waxaana maamulkii koowaad ee dhameystirtay doorashada kuraasta Aqalka sare noqday dowlad goboleedka Puntland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]