4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 15, 2021
Laba arday ah oo Macalinkoodii Dugsi Quraanka ku dilay gobolka Mudug
 

Axad, Agoosto, 15, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Laankadawo oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi shalay galinkii dambe lagu dilay Macalin Dugsi Quraan.

Macalinka la dilay ayaa caan ka ahaa deegaanka Laankadawo iyo tuulooyinka ku dhawdhaw ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Cabdisalaan Maxamuud ilkaweyne, kaaso la dilay xili uu ku sugnaa hoygiisa sida ay xaqiijiyeen dadka deegaankaasi.

Dilka Macalinka ayaa la sheegay iney geysteen laba wiil oo ka mid aheyd ardaydii uu baraayay dugsi Quraanka, kuwaas oo dilka Macalinkooda u adeegsaday Faash iyo Maqar oo ay kala dhaceen qeybaha sare ee jirkiisa, isagoona markiiba goobta ku geeriyooday.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka  macalinka oo ay dileen laba ka mid aheyd ardaydiisa, waxaana la sheegay in dhalinyaro deegaanka ah ay gacanta ku dhigeen labada wiil ee geystay dilka macalinkoodi Dugsiga, islmarkaana lagu wareejiyay gacanta ciidanka Galmudug.

Si kastaba ha ahaate dilka loogu geystay deegaanka Laankadawo ee gobolka Mudug macalinka Dugsi Quraan ayaa Xalay iyo Saakay si weyn looga hadal haya deegaanka iyo nawaaxigiiisa, waxaana falkaasi aad uga wada naxay Waalidiinta deegaankaasi gaar ahaan kuwa Caruurtooda dhiganayeen Dugsiga Macalinka la dilay.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]