4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 14, 2021
Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Berbera
 

Sabti, Agoosto, 14, 2021 (HOL)-  Hal qof ayaa ku nafwaayay 3 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gaadhi waaraad ah iyo gaadhi iska rogo ahi isku dhaceen duleedka bari ee magaalada Berbera.

"Wax iga soo horeeyay ma jirin, saddexda nin ee midna dhintay labana dhaawaca yihiin, mid waxan kasoo saaray taayirka hoostiisa, ninka kalena waxan kasoo saaray isagoo jajaban" goob jooge ayaa sida warbaahinta u sheegay.

Sarkaal ka tirsan isbitaalka magaalada Berbera, ayaa sheegay in marka laga reebo qofka dhintay labada qof ee dhaawacmay ay dhaawacyadoodo sahaalo yihiin, isla markaan lagu dabiibayo isbitaalka wayn ee magaalada Berbera.

Shilalka baabuurtu sababan ayaa sanadkasta daraasiin dad ah ku dila magaalada Berbera iyo hareereheeda, waxaana shilalka badanaa sababa baabuurta safarka ah oo ku socda xawaare sare.


Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]