4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 14, 2021
Is rasaasayn qasaare geysatey oo ka dhacday magaalada Adhi-cadeeye
 

Sabti, Agoosto, 14, 2021 (HOL) - Inta la ogyahay hal qof ayaa dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen is rasaasayn ka dhacday magaalada Adhi-cadeeye oo 30Km Laascaanood waqooyi kaga quman.

Ma cada sababta dhalisay mashaqadan oo la sheegay in nin hubaysan uu rasaasta furay taas oo sababtay in rasaas mudo socotey ay halkaas ka dhacday.

"Markii rasaastu dhacday ayaan banaanka u soo bacaxay ka dib waxaan arkaayey nin cararaya iyo koox kale oo eryanaysa, waxaana la ii sheegay inuu ahaa ninkii dilka geystey" sidaa waxaa HOL u sheegay qof goobjooge ah isagoo intaas raaciyey in ciidamo kale oo magaalada u dhow ay soo gaadheen, iyadoo rasaas badan oo kalena ay halkaas ka dheceen.

Ma cada qasaaraha dhabta ah ee halkaas ka jira  welina laamaha amaanku kama hadlin, walow la sheegay in ninkii falka geystey ay ciidanku qabyeen gacantana lagu hayo.

Seynab A. Warsame, Hiiraan Online