4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 14, 2021
Xiriirkii kubbada cagta Puntland oo is wada iscasilay kadib buuq hareeyay tartankii cayaaraha Puntland
 

Sabti, Agoosto, 14, 2021 (HOL) - Xiriirka kubbada cagta Puntland ayaa dhammaantood iska iscasilay xilkoodii kadib markii uu buuq iyo khilaaf hareeyeeyay tartankii kubbada cagta gobolada Puntland oo qarka u saarmay inuu fashilmo haatan.

Guddoomiyihii guddiga xiriirka kubbada cagta, Maxamed Cali Ciiise (Ciiro) ayaa ku sheegay sababta ay isku casileen in ay tahay, kaddib markii wasaaradda isboortiga ay faro galin ku sameysay go’aanno guddiga kasoo saareen tartanka inta uu socday.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ay wasaaraddu arrimo siyaasadeed iyo kuwa qabiil soo dhex galisay isboortigii, taasoo uu sheegay in ay kugo’aansadeen in ay faraha kala baxaan tartanka gabi ahaanba.

“Waxaan halkaan ka sheegaynaa in ay cayaarihii u istaageen markii ay wasaaradda isboortigu marin habaabin ku sameysay sharcigii u yaallay kubbada cagta,” ayuu yiri guddoomiye Ciiro.

Dhinaca kale, guddigu wasaaraddu u xilsaartay in ay xal ka gaaraan khilaafka ka dhextaagan tartanka, ayaa go’aamiyay in dib la isugu celiyo cayaartii dhex mari lahayd gobolada Nugaal iyo Sanaag, taasoo ahayd sababtii ay guddigu maanta isku casileen.

Guddiga ayaa horay u go’aamiyay in gobolka Nugaal la siiyo dhibcaha kulankaas, kaddib markii gobolka Sanaag ay diideen in ay la cayaaraan, iyagoo ka cabanayay mid kamid ah cayaartoydooda oo loo diiday inuu kulankaas ka qeyb qaato, kaddib markii xiriirku sheegay inuu haystay labo digniin (Labo jaalle).

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online