4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 14, 2021
Diyaarad siday gaadiid ciidan oo magaalada Baledweyne ka degtay


Sabti, Agoosto, 14, 2021 (HOL) - Waxaa Shalay galinkii dambe ka degtay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne diyaarad siday gaadiid nooca ay isticmaalaan ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Wasaaradda amniga maamul goboleedka Hirashabeelle ayaa sheegtay in gadiidka ay diyaarada ka dajisay Baledweyne uu uu ka koobna shan gaari oo Cabdibile ah iyo afar Mooto nooca laba lugaaleyda ah, islamarkaana ay ku wareejiyeen maamulka gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda amniga Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in gaadiidka la geeyay magaalada Baledweyne iney isticmaali doonaan Booliiska gobolka iyo kan degmada Baledweyne, islamarkaana loogu talo galay howlaha sugida amaanka doorashooyinka ka dhici doona magaalada Baledweyne.

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxay ka mid tahay magaaloyinka ay ka qabsoomi doonaan doorashooyinka kuraasta Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Bishii Juun ee lasoo dhaafay ayay aheyd markii Baledweyne laga dejiyay gaari nooca aanan xabada karin kaasoo la sheegay in loogu talo galay madaxda Hirshabeelle iney isticmaalaan xiliga doorashada ka dhaceyso Baledweyne.

Waxaa xusid mudan in Baledweyne ciidamo hubeysan oo ka amar qaata Jenaraal Abuukar Xuud mudo 8 bilood ah ay ka hortaagan yihiin inuu Baledweyne tago madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]