4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 13, 2021
Dowladda Soomaaliya oo xusaysa toban sano guuradii kasoo wareegtay safarka Erdogan ee Muqdisho
 

Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa wada qaban qaabada xuska weyn oo loo sameynayo sanad guuradii 10-aad ee kasoo wareegatay markii uu Soomaaliya yimid madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyib Erdogan.

Wasiirka caddaalada Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada xuskan, ayaa sheegay, xuskaan in ay dowladdu kaga mahad celin doonto garab siintii Turkiga sannadkii 2011 kadib abaartii darnayd ee ku dhufatay Soomaaliya.

Wasiirka caddalaada ayaa sheegay, in imaanshihii Muqdisho ee madaxweyne Erdogan ay Soomaaliya kasoo saartay god madow, islamarkaana ay kusoo jeedisay indhaha bulshada caalamka.

"Maalintaas qiimaha badan waxaan kusoo bandhigidoonnaa waxyaabaha aan ka faa’idnay toban sano kadib taageerada Turkiga, iyo tobanka sano ee soo socda xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga," ayuu yiri wasiirka caddaalada Soomaaliya.

Erdogan oo Soomaaliya soo booqday sanadkii 2011 markii uu ahaa Ra’isul Wasaaraha Turkiga, ayaa lagu xasuustaa inuu noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee aduunka ka socday ee cag soo dhigay Soomaaliya labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

Waxay dowladdiisa gacan weyn ka geysatay wax ka qabashada abaartii Soomaaliya ku dhufatay sannadkii 2011, taasoo dishay in ka badan 260,000 qof. Wixii ka dambeeyay waqtigaas illaa iyo hadda, turkiga ayaa safka hore kaga jira dalalka taageera Soomaaliya.

Madaxweyne Erdogan ayaa mar kale Soomaaliya soo booqday sannadkii 2015, isagoo xarriga ka jaray dib u dhiska lagu sameeyay madaarka Aadan Cadde oo ay dowladdiisu ku bixisay maalgalin xooggan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online