10/18/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 13, 2021
Kenya oo xirtay saddex nin oo laga raadinayay Masar iyo Soomaaliya oo ku eedeysan arrimo argigixiso
 

Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Saraakiil ka tirsan Booliska La-dagaalanka Argagixisadda Kenya ee Mombasa ayaa xiray saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay falal Argagixiso, oo ay ku jiraan 2 nin oo ay baadi-goobayaan Dowladdaha Masar iyo Somalia.

Booliska ayaa ku eedeeyay Mohamed Shendy Elhosseiny,  Mustafa Abdi Saciidi iyo Mohamed Mohamed Abdullahi in looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin koox argagixiso ah oo xubin ka ah Kenya, Uganda, Soomaaliya iyo Masar.

Sida lagu sheegay warbixin sirdoon, Mr Shendy iyo Mr Saidi ayaa laga baadi goobayay Masar iyo Soomaaliya dambiyo aan la shaacin.

Mr Shendy waa Masaari halka labada kale ay yihiin Kenyan asal ahaan Soomaali ah.

Saddexdan ayaa Khamiistii la soo taagay maxkamadda Mombasa halkaas oo saraakiisha la dagaalanka argigxisada ay ka codsadeen in loo oggolaado inay xabsiga ku hayaan 15 maalmood si baaritaankooda loo dhammeeyo.

Qoraal maxkamadda la horkeenay, ayaa Mr Geoffrey Omete oo ka tirsan sirdoonka Kenya wuxuu sheegay in saddexda qof loo xiray falal ay ka shakiyeen oo ay ka wadeen Mombasa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
8/13/2021 3:28 PM EST
Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Guddoomiyihii guddiga xallinta Khilaafaadka ee doorashada C/llaahi Abyan Nuur ayaa goordhow ku geeriyooday Isbitaal Martiini ee magaalada Muqdisho.

8/13/2021 7:58 AM EST
Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa wada qaban qaabada xuska weyn oo loo sameynayo sanad guuradii 10-aad ee kasoo wareegatay markii uu Soomaaliya yimid madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyib Erdogan.

8/13/2021 6:58 AM EST
Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Ururka Ganacsiga Badaha ee waddanka UK ayaa sheegay in burcad badeed Soomaaliya ay weerareen markab ganacsi oo marayay xeebaha Soomaaliya.

8/13/2021 1:33 AM EST
Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa golaha ammanaka u sheegay in horumar laga gaaray heshiiskii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ujeedkiisu ahaa in la qabto doorashooyinka qaran ee dib u dhaca uu ku yimid.

8/13/2021 1:07 AM EST
Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa ka hadlay natiijada doorashada Aqalka Sare ee maalintii shalay ka dhacday Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

8/13/2021 12:59 AM EST
Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Waxa magaalada Hargaysa lagu soo bandhigay buuga Astaan-halgan oo laga qoray noloshii iyo halgankii halgamaa Maxammed Xaashi Diiriye Lixle, oo ahaa udubihii dhaq dhaqaaqii dib u xoraynta Soomaaliyeed ee SNM.