4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 12, 2021
Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo xukuumada ku eedeeyay xadhig sharci daro ah
 

Khamiis, Agoosto, 12, 2021 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa wasiirka gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ku eedeeyay in uu xadhig u gaystay madaxdhaqameed iyo madax warbaahineed.

Xogeeya-yaasha warfaafinta iyo arrimaha gudaha ee xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa sheegay in wasiirku xidh xidhay madax dhaqameed kasoo hor jeestay hadal uu ku deedifeeyay waraysi uu bixiyay afhayeenka golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, sidookalena uu wasiirku xidhay madaxa TV-ga Badacas oo baahiyay warka odayaasha.

"Waxa la gaadhay heer wasiiradu guddoomiye baarlamaan u jawaabayaan, markii shabku arkay sidu sharciga u baal marsanyahay way iskaga aamuseen, odayaal deegaankiisa ah ayaa bulshada xaal ka siiyay waxa wasiirka ka yimid.., wuuna xidhay waxa kale oo uu xidhay madaxa TV-gii baahiyay" sida waxa yidhi xogeeyaha arrimaha gudaha ee Waddani Maxammed Faarax Cabdi.

Xogeeyaha warfaafinta ee xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi, ayaa isna xukuumada ku eedeeyay in ay bulshada kula kacayso xadhig sharci darro ah isla markaana muddo badan xabsiga lagu haynayo qofka la xidho maxkamad la'aan.

"Xukuumadan xisbiga Kulmiye uma haystaan danbi in qof la xidho intay doonaan iska haystaan kadibna iska soo daayaan, maanta waxaanu xabsiga ku booqanay agaasime Cabdirashiid oo aan xadhigiisa wado sharciya loo marin, xadhig kasta oo aan dastuurka loo raacin waa xaaran" ayuu yidhi.

Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga dhigtay madaxa muuqbaahiyaha Badda-cas iyo madax dhaqameed kasoo jeeda degmada Sallal kuwaasi oo la sheegay in wasiirka gaashaan dhiga Somaliland u haysto eedo ah in ay ka hor yimaadeen jawaabtii uu ka bixiyay waraysigii uu bixiyay afhayeenka golaha wakiiladu.



Abdi Rahman, Hiiraan Online