4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 12, 2021
Somaliland oo war cusub kasoo saartay isticmaalka 50 ka dollar
 

Khamiis, Agoosto, 12, 2021 (HOL)- Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay fasaxday isticmaalka lacagta 50 ka dollar ee Maraykanka oo ay xukuumadu hakad galisay isticmaalkeeda 18 February  ee sanadkan kadib markii lacago been abuur ahi soo galeen Somaliland.

Shir ay maanta yeesheen saraakiisha Baanka Dhexe ee Somaliland, qaar kamida ganacsatada waa wayn iyo madaxda sariflayaasha magaalada Hargaysa, ayaa lagaga dhawaaqay in si rasmi ah loo fasaxay isticmaalka 50 ka dollar ee Maraykanka.

"Waxa go'aan lagu gaadhay maanta in 50 ka dollar ee Maraykanka oo hakad yara galay maalmo dhexdaas ah in la qaato, la aqbalo oo sariflayaashu qaataan baananku qaataan, xawaaladuhu qaataan, Baanka Dhexena qaato" Sida waxa yidhi guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi).

Dhanacakale dhamaan ganacsatadii kasoo qayb gashay shirka, ayaa aqbalay in ay qaadan doonaan isla markaana bixin doonaan lacagta 50 ka dollar ee Maraykanka.

Lacagta 50 ka dollar ee Maraykanka ee xukuumada Somaliland maanta dib u fasaxday isticmaalkeeda, ayaa xukuumadu joojisay isticmaalkeeda 18 February ee sanadkan kadib markii lacagta 50 ka dollar oo been abuur ahi soo galay Somaliland.

Abdi Rahman, Hiiraan Online